Wasaaradda Amniga qaranka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aya kulan xog is
weydaarsi iyo aqoon korrosi ah oo looga hadlayay “Amniga Xuduudaha Dalka” u
qabatay masuliyiin isugu jiray guddoomiyaal degmo iyo sarakiil ciidan oo ka socday
Gobolka Gedo.
Waxaa kulankan oo uu gar wadeen ka aha Wasiir xigeenka Wasaaradda, Mudane:
Cabdinaasir, lagu qaada dhigay arrimahan soo socda:-
- Adkeeynta wada shaqeeynta laamaha Amniga heer Federaal, heer mamul
goboleed, heer gobol iyo heer degmo. - Tayeenta adeega Dowladnimo ee dhinaca Amniga iyo bulshaba ila iyo heer
degmo iyo tuulo. - Xoojinta wada shaqeeynta Dowladaha deriska iyo AMISOM ee degmooyinka
xuduudaha. - Xoojinta dagaalka lagula jiro kooxahaa Argagixisadda iyo sugidda Amniga
xuduudaha dalka.
Falan qeeyn dheer iyo fikir is weydaarsi kadib, dhinacyadu waxeey isla garteen arrimaha
soo socda:- - In la xaqiijiyo lana ilaaliyo midnimadda iyo wada jirka bulshadda Soomaaliyeed.
- In sare loo qaado lana xoojiyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa laamaha Amniga
Dowladda Federaalka, maamul goboledka iyo degmooyinka. - In la ilaaliyo lana xoojiyo wada shaqeeynta fiican ee Dowladda Soomaaliya kala
dhaxeeya Dowladddaha deriska iyo ciidamada AMISOM dhinaca sugida Amniga
xuduudaha. - In si wada jir ah loola dagaalamo Argagixisada hal dhinacna looga soo wada
jeesto.
….DHAMAAD…
Leave a Reply