Marka ugu horeysa waxaan aad iyo aad uga xumahay dadka Soomaalida ah oo ku dhintay colaadaas,sabab la,aanta ah,marka xiga wxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkaas ka dhinteen,murugadana waan la qaybsanayaa si kal iyo lab ah.
Mar xiga waxaan ka digayaa in labada dal ee deriska ah Itoobiya iyo Soomaliya xasilooni daro oo dhanka amaanka ah in ay halkaas ka abuuranto,waxgaradka iyo labada dawlad federal ka hortagaan coolaad iyo nabadgelyo xumo halkaas laga abuuro gaar ahaan Gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo degaankan Soomalida itoobiya.
Marka xiga waxaan labada dawladood ee Soomaliya iyo Itoobiya xasuusinayaa in soddonkii sano ee ina dhaaftay meeshaas ahayd aag nabdoon oo laga diiday in argagixisada Geeska Afrika dhibaatada ka wada cagta soo dhigaan kana caaganaa,waxay dhibaato ku noqon kartaa dagaalka OAU iyo IGAD kula jiraan argagixisada,waa dagaal lagu xoojinaayo argagixida mandhiqada lana beegsaday dadkii sodonka sano aagaas ka hortaagnaa Al Shabaab,Daacish iyo Isis.
Waa dagaal la qorshaynayey mudo sanad ah oo ka soo bilooday biloowgii olalaha doorashada Axmed Maxamed Islaam ee kismaanyo ku haysta sharci darada,kuna aruuriyey ONLF iyo xubnihii new Booliska ee shacbigooda dhagarta qaran ka galay.
Isku soo wada duub diyaarinta mudada sanadka ah ka sokow waxaa lagu dhameeyey in sidaan wax u dhacaan oo qaab beeleed loo abaabuley doorashadii sharci darada ahayd ee Axmed Madoobe oo xubno argagixisada gacan saar la leh oo uu hogaaminayey Cabdikariin Sh.Muuse (QALBIDHAGAX),dhinacna ka ahaa xubin ka tirsan ONLF iyo Axmed Madoobe naftiisa oo asalkiisa ka soo jeedo argagixisada meel uu ilaa hadda uga tanaasuleyna aan cidin sheegi Karin,qorshihii halkaas lagu gaaray waxaa lagu gunaanaday Neyroobi oo QALBIDHAGAX ka shaqeeyey in madaxda ONLF iyo Axmed Maxamed Islaam ku kulmaan.
Ugu denbayn beelaha walaalahaa waxaa laga dhiganayaa xaabo dabka lagu shito, waana uga digayaa waxgaradkooda in dhibaatada intaas ayan dhaafin,masuuliinta ama madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxaan ka codsanayaa in arintaas sidaas loo wajaho ayada sirdoonka labada dawladood heli karaan xogta aan soo bandhigay mid ka qodadheer oo kilabyadii iyo warakii dibada iyo gudaha laysu diraayey la heli karoo o qabyaladaysan.
Fadlan qofkii nabada u saaxiiba ha sheergareeyo.
Wabilaahi Towfiiq,
.Jimcaale.
Leave a Reply