Sawiro:Xaflad loogu dabaaldagayo Madaxweyne Lafta Gareen iyo xaafiiska Jaaliyada ee Mareykana oo kentucky ka dhacday

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Konfur Galbeed ee dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada louisville kentucky ee dalka Mareykanka.
Ujeedada xafladdan ayaa ahayd udabaaldagida sanadkii koobaad ee ka soo wareegtay xili doorashaadii Madaxweyne Lafta Gareen iyo furida xaafiiska Jaaliyadda Konfur Galbeed ee Mareykanka.
Waxaa ka soo qeybgalay inbaddan oo ka mid ah Jaaliyadda kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalka mareykanka, kuwaas oo si weyn ugu soo diyaargaroobay muujinta taageeridooda madaxweyne Lafta Gareen.
Culumada,Masuuliyiinta Jaaliyadda,Ardada,Siyaasiyiin, Haween iyo qeybaha Bulshada ayaa fariimo kala duwan u diray Madaxweynaha iyo maamulka Konfur Galbeed iyaga oo ka rajeeyay in ay Konfur Galbeed noqoto Meel horumar iyo isbadal cadaalad ku dhisan u saaxiib noqota.
Gudoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Konfurgalbeed Mareykanka ee uu madaxweyne Lafta Gareen dhawaan u soo magacaabay Idiris Sharif Ali ayaa uga mahadceliyay dhamaan dhinacyada kala duwan ee ka soo qeybgalay xafladan isaga oo ka codsaday in ay sameeyaan Maalgashi iyo dal ku noqosho si ay qeyb uga noqdaan horumarka dalka iyo deegaankoodu ku tilaabsanayo, waxa uu sidookale u mahadceliyay Madaxweynaha Konfurgalbeed xilka uu u magacaabay.
Dhamaan dadkii ka hadlay xafladdan ayaa u hanbalyeeyay madaxweynaha iyaga oo ka codsaday in uu noqdo mid u cadaalad sameeya shacabka Konfurgalbeed isla markaana hormuud u noqdo dhiirogalinta qurba joogta si ay dalkooda ugu  laabtaan una sameeyaan maalgashi kalsooni ku dhisan.
Waxay kula dardaarmeen maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen in uu ahmiyad balaaran siiyo in deegaanka looga hirgaliya Amaan buuxa oo ay ku soo hirtaan kaas oo laf dhabar u noqon kara wax walba oo horumar ah oo deegaanku u baahanyahay.
Xafladda waxaa qeyb lixaad leh ka qaadanayay Abwaano, Fanaaniin, iyo kooxaha ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka oo soo bandhigay awoodooda faneed ee dabaaldaga munaasabadan.
Deeqo Shire (SONNA)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.