Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay Mr Adam Abdelmoula.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta Xafiiska Qaramada ee Puntland, waxaa looga hadlay mashaariicda ay Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland oo ay ugu horeyso arrimaha bani’aadantinimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.