Mudug:Sarakiisha qeybta 21aad oo ka qeybgalay kulan lagu dhaneystirayo heshiisiinta Labo beelood

Taliyaha Qeybta 21aad ee Xogga Dalka Somaliya Generaal, Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayo heshiisyadii ay horey ugaareen beelaha walaalaha ah ee deeganada Towfiiq iyo Afbarwaaqo. bariga gobolka Mudug

Kulankaan ayaa ka dhacay degaanka Towfiiq waxaana Kulanka Goobjoog ka ahaa Odayaasha Dhaqanka Labada dhinac, Gudiyadda isku dhafka ah Ee Labada dhinac, Xumno ka Tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya iyo shacabka Magaaladaas.
Kulanka ayaa inta uu socoday waxaa la soo saaray Qodobo lagu Xoojinayo Heshiiskii Horey udhex maray Odayaasha Labada dhinac Degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo,

Waxaana ka mid ah qodobada heshiiska Ku xusan

1.in la fuliyo DhamaanQodoba ku xusan Heshiiska ay wadda Saxiixdeen Walalaha ah Ee Colaadu dhexmaratay (Saleeman Cabdalle iyo Ree Nimcaale) Ee ku Taarikheysab 18/December/2019 Ee ka dhacay Af-barwaaqo,
2.Gudigu wuxuu doortay Shir gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameys tirmaa
Mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo Dowladda Faderalka Somaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Gudiga isku dhafka ah si ay u dar wargaliyaan Nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta Beelaha Walaalaha ah,
3. In wadda hadaladu Sii socdaan,
4. in wadda hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socoda,
5. In guddiga isku dhafka ah ee Odayaasha Labada Beelood gacan siiyaan Ciidanka Xooga DS si ay u fuliyeen Heshiisyadda Nabadeed,
6 in Odaygii uHogaansami waaya Heshiisyada Nabadda ay CXDS tilaabo adag ka qaadi doonaan,
7 in Gogasha xigta la dhigo Magaalada Gaalkcyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso Dowladda Somaliya,

(MAGACYADDA ODAYAASHA GUDIGA AH.

Odayaasha Beesha Ree Nimcaale,(Sacad)
1. Nabadoon Maxamed maxamuud Guleed
2. axmed maxamed cilmi dirir
3. Siciid Xaashi diini
4. Khaliif Nuur Cawil
5. Sahal cali faarax
6. Salaxeey Cabdulaahi Gulleed
7. Maxamed Diriye Nuur

Odayaasha Beesha Saleemaan Cabdalle(Dir)
1.Xasan Cabdi Nuur
2. Siciid Salaad shire
3. axmed Cali Warsame
4. Mire Cali Warsame
5. Cabdulaahi Maxamed Nuur
6. Siciid Jaamac Maxamud
7. Xaashi Yaasiin Cali Kulan.

GOOBJOOGAYAAL,
1. Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje)
Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka XDS
2.Rooble Axmed Daahir
Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.