Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada Caanka ahaa Gobolka Bari.
Kooxo Baastoolado ku hubaysan ayaa Xalay gudaha magaalada Boosaaso ku dilay Nabadoon Cismaan Axmed Askar, Dilka nabadoonka ayaa ka dhacay xaafada New Boosaaso, waxaana goobtaasi iskaga baxsaday kooxihii dilka gaystay lamana garanayo ciday ka tirsan yihiin
Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa ka dhacayey dilal qorshaysan oo loo gaysanayo Bulshada Boosaaso waxaana waxba ka hirgalin Balanqaadkii Madaxwaynihii Puntland Siciid Cabdulaahi ee ahaa inuu amaanka Boosaaso wax ka qabanayo.
Leave a Reply