Maqaal:Maxaa u sababa DhibaaTooyinka Joogtada ah ee Liyuu Booliiska

liyuu

Waxaan si kooban qormadan ugu eegi doonaa xaalada deegaanka Soomaalida ( Somali State) iyo waxa sababa dhibaatooyinka joogtada ah ee ciidanka Liyuu Police-ku ku hayaan dadka dhulkaas degan iyo waliba kuwa kunool Jamhuuriyadda Xorta ah ee Somaaliya iyagoo ka talaaba Xuduud beenaadka sidii dhacday marar badan oo hore.
Laga soo bilaabo 1991 markii Jabhadii TPLF la wareegtay xukunka dalka Ethiopia waxaa jiray siyaasad ku salaysan in gobolka S/galbeed laga dhigo mid dadkiisu Ethiopan-nimada aqbaleen si meesha looga saaro Riyadii Somaliwayn iyo Halgankii xornimo u dirirka ahaa ee mudada dheer soo socday.Kooxdii Tigreega ee talada qabsatay waxay galaangal u yeesheen awoodna u heleen ku dhex milanka Siyaasada Soomaalida guud ahaan iyagoo xoogga saaray xaqiijinta iyo ka miro dhalinta hadafkooda oo ay saldhig u ahayd Qaybi oo Xukun. Si taas loo gaaro waxay aas aaseen Ciidanka Liyuu Police loo yaqaan oo ah fuliyaha ujeediyoonka Gumaysiga. Samaynta ciidankan iskama imaan ee waxay ahayd Khibrad ay ka heleen guuldarooyin is xigxigay oo ay la kulmeen markii ay damceen inay iyagu wax walba gacanta ku qabtaan.
Tusaale xilligaas Ciidanka dawlada dhexe ee Ethiopia ma ahayn kuwo Aqoon u leh deegaanka, sidoo kale ma lahayn Tiradii iyo Tayadii loo baahnaa ee uu ku wajihi karay Kacdoono wadanka gudihiisa ka yimaada siiba Qawmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada awoodood ee tiro ahaan dalka ugu badan ama xitaa Jabhado ka dilaaca dhinaca Soomaalida oo ay walwal ka qabi kareen mustaqbalka.
Dagaalo dhawr ah ayaa deegaanka ka dhacay kahor aas aaskii Liyuu Police-ka, kuwaasoo u dhexeeyey Militariga Ethiopia & Ururkii Al itixaad iyo Onlf oo markaa lahayd shacbiyad aad u badan Xisbi ahaana ugu guulaysatay doorashadii ugu horeysay ee deegaanka ka dhacda. Doorashadaas waxaa kusoo baxay AUN C/laahi Maxamed Sacdi oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Somali State balse mudo yar kadib la afgambiyey, taasoo dhalisay inay ONLF hubka qaado oo hawdka gasho xilligii Sh Ibraahim Cabdale eebe ha u naxariistee.
Wakhtigaa wixii ka dambeeyey waxaa dhacay dagaalo aad u kharaar oo ay isaga horyimaadeen militariga Ethiopia iyo Jabhadii Onlf taasoo dhalisay khasaaro baaxad leh oo soo gaaray Ciidankii Ethiopia ee Tigreegu u badnaayeen. Tani waxay kaliftay in RW hore ee Ethiopia uu wax kabadalo siyaasadiisi ku aadanayd deegaanka Soomaalida isagoo sameeyey Ciidanka Liyuu Police loo yaqaan isla markaana siiyey Awood balaaran iyo Miisaaniyad (Budget) aad u saraysa. Wuxuu ku magacaabay Ciidanka gaarka ah ee deegaanka Soomaalida iyagoo maamul ahaan hoos imaanaya Xafiis loo bixiyey Hogaanka Nabad galyada ee heer deegaan kaasoo uu madax uga dhigay Cabdi Maxamuud Cumar (ileey).
Hogaanka nabad galyadu wuxuu leeyahay heerar kala duwan Sida heer Deegaan, heer Gobol, heer Degmo, heer Center ilaa heer Qabale. Hogaankani waa midka loogu talagalay Tacadiga iyo Cadaadiska dadka deegaanka waana Xafiiska ugu awooda badan maamulka guud ahaan. Ka sokoow Liyuu Police-ka waxaa hoos yimaada Sirdoonka oo loo yaqaan Maarajaa oo heerar kala duwan leh, kuwaasoo iyaguna qayb libaax ka qaata ku tumashada xuquuqda dadka dhulkaas degan.Gabood falada hay’adahaas lagala kulmo ama ay geystaan ma aha kuwo lasoo koobi karo.
Waxyaabaha cajiibka ah ee aan aniga qudhaydu arkay waxaa kamid ah in dadka hawshaas loo diray aysan ahayn dad ehel u ah xirfadaas ama aqoonteedi leh ambaba akhlaaq ahaan u qalma. Waxay u badan yihiin dhalinyaro miyiga laga keenay oo qori loo dhiibay horayna balwad iyo daroogo ka bilaabay oo u haysta Xadaarad iyo Ilbaxnimo.Kuligood waxay caayayaan Diinta iyo Allaah SWT, waxay taagan yihiin Baraha koontaroolada ee magaalooyinka kabaxsan dadka Soomaalida ah unbaa Target u ah ha ahaadeen kuwa deegaanka ama Soomaalida dhulalka kale katimid. Waxaa khasab ahayd inay kugu yiraahdaan waxaad tahay Ubbay ama Al qushaash ooy ula jeedaan Onlf & Alshabaab.Sababtu wax kale maaha waa Handadaad iyo Cabsi galin si laguu baarto,, hadii ay dumar tahayna intaas waaba looga sii badin jiray ogaantay. Mararka qaar waxay ka talaabi jireen Xuduuda iyagoo dhibaatooyin ka geysta meelo kamid ah geyiga kale ee Soomaalida xorta ah siiba deegaanada ku teedsan Xuduud beenaadka.Ma jirin cid kula xisaabtanta dhibaatada ay shicibka u geystaan bal waaba lagu abaal marin jiray. Waxay gaareen in nin walba tuuladii reerkoodu degaanaa soo gubo oo yiraahdo waxaad la shaqaysaan Ubbo.
Maxay tahay sababta ay sidaa u samaynayaan?
Ethiopia way ku nasatay dhab ahaan abuuridii Liyuu Police waxayna u qabteen shaqo ay iyadu ku guul daraysatay, waxaa ka istaagay dhiig bixii iyo dhimashadii ay kala kulmi jirtay Onlf, sidoo kale waxay ku baqo maashay maamul beeleedyada Soomaalida ah ee xuduud beenaadka dhaca. Waxay guulaysatay inay meesha ka saarto Maxabadii iyo Soomaalinimadii ka dhaxaysay Soimaalidii lixdankii xorowday iyo tan iyadu Gumaysato iyadoo dhexdooda dhigtay cadaawad Beelaysan ee aan Mabda’ iyo Afkaar ku qotomin.
Tusaale waxay guulaysatay in Liyuu Police-ka loo arko ciidan qabiil gaar kayimid wixii ay geystaana qabiilkaas loo aaneeyo maadaama dadka Soomaalidu hanfade salfudud yihiin oo qabyaaladu aafaysay. Hade ogoow hadii Soomaali la yiraahdo reerka ugu badan ee Liyuu Police dhibaato u geysteen waa reerka loo tiiranayo ee la leeyahay waa u badan yihijn.Dhinaca kale isla reerkaas waxaa laga ugaarsaday meelo badan oo Soomaaliya kamid ah iyagoo aan cidna wax dambi ah kagalin. Meelaha sida ba’an tacadiyadaas uga dhaceen waxaa ugu horeeya maamullada SL & PL oo aad moodaysay inay ku tartamayeen dadka u dhashay Beesha Ogaadeen ee ku noolaa deegaanada ay ka arimiyaan!
Waxaa jirtay wadashaqayn u dhaxaysay maamulkii Cabdi Iley iyo Maamul beeleedyada Soomaalida ah taasoo mararka qaar aadba moodaysay inay iyaguna Cabdi Iley hoos tagaan siday ugu jajaban yihiin darteed.
Dhinaca kale waxaa jira xubno kamid ah Jabhadii Onlf oo ku milmay Siyaasada Soomaaliya halkii ay dadka deegaankaas uga faa’iidayn lahaayeen fursada dahabiga ah ee maanta hortaala taasoo aan la hubin soo noqoshadeeda. Maanta Ethiopia waxay u kala fadhidaa Qowmiyado iyadoo mid waliba xaqeeda isku duubni wadajir ku doonaysa.Jabhadii Onlf oo hada Xisbi siyaadadeed isu badashay gudoonkeeda xubno kamid ah iyo Saraakiil ka tirsanayd maamulkii Cabdi Iley qaarkoodna wali xilal hayaan ayaa si toos ah ugu lug leh Shaqaaqooyinka in dhawaale ka dhacayey  deegaano ka tirsan gobollada Doollo iyo Qoraxay siiba Centerada iyo Tuulooyinka dhaca Xuduud beenaadka Gobolka G/galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Waa arrin Siyaasad ku lug leh colaadaha halkaas ka taagan balse waxaa loo ekaysiinayaa Khilaaf beelo u dhexeeya maadaama Khilaafka beeluhu yahay Baaruuda dhagaha fudud ee sida dhakhsa ah u qaraxda.
Xiriiiro aan la sameeyey dhinacyo kala duwan oo kala jooga Addis Ababa, Jig jiga, Muqdisho iyo Kismaayo ayaa si isku mid ah iigu xaqiijiyey in arrinku yahay mid siyaasadaysan.Dadka aan lahadlay qaarkood waa Siyaasiyiin Caan ah balse magacooda inaan sheego fasax uma haysato. Kawaran hadii Khilaafka Axmed Madoobe iyo  C/rashiid Xidig halkaa loo xawilay?  Si beesha C/rashiid iyo Mida MW Farmaajo madaxa la isugu galiyo!  Waa sida shaxdu u dhigan tahay. Arrinkaas waxaa loo wakiishay gudoomiyaha gobolka Doollo iyo Taliyaha Liyuu Police-ka ee Wardheer.Dadka la rabo in colaada laga dhex huriyo waa ehel wada dhashay oo wiil iyo abtigiis ah waligoodna soo wada daganaa, waxaan uga digayaa inay dabinkaas ku dhacaan.Waan ogahay inaan dadkaasu dagaal xiiso u qabin laakiin waxaan ka hadlayaa waa inaan Card la marsan.
Ciidanka Liyuu Police lagu magacaabo ma aha ciidan deegaan wax ugu yaal, waa ciidan aan waxba ka tarin Colaadaha Qowmiyadaha kale iyo Soomaalida dhexmara. Waa kuwo dadkooda loo adeegsado oo Gumaysigu naaxiyey balse dadka waxaa loogu sheegaa inay yihiin Awood deegaanku leeyahay.Waxay u baahan yihiin dhaqan celin iyo isbadal lagu sameeyo qaab dhismeedkooda, Anshaxooda, Aqoontooda iyo Manhajkoodaba.Dadbaa waxay yiraahdaan reer hebel baa u badan balse aniga taas muhiim iima aha, kaliya waxaa ii muhiim ah inta aan kor kusoo sheegay inay ka dhisan yihiin.
W/Q Hussein Ahmed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.