Akhriso:Kulankii Ugaaska Sade iyo Saraakiisha Itoobiya ku dhexmaray Goohwayne

Ugaaska Beelaha Sade Ugaas Mohamed Kayse Ugaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaniyay ayaa safar qaaday muddo laba cishaa ku soo maray deenaao badan oo ka wada tirsan Gobolada Qoraxeey iyo Doollo.

Dhamaan deegaanada ay tageen Ugaaska iyo waftigiisa ayaa ahaa kuwo saamayn muuqata ku yeeshay colaadii dhacday, waxaana tuulooyinka la tagnay iyo dhulkii ku wanaagsanaa xoola daaqeenka ee deenaaka u ahaa reer guuraaga uu ahaa mid cidla ah.

Ugaaska iyo Waftiga ku wehliyay socdaalkiisa oo Tuulada Goohweyne ee Gobolka Qoraxeey kula kulmay Saraakiil ka tirsan milatariga Dawlada Ethiopia ayaa u sheegay Ugaaska inay Dawlada Ethiopia ka xuntahay waxii ka dhacay deegaanka iyagoo Ugaaska iyo Waftigiisa oga tacsiyeeyay dhibkii dhacay oo ay sheegeen inuu sabab u noqday Barakaca dadkii ahaa shacabka dawlada Ethiopia.

Safarka Ugaaska iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa intii ay sii socdeen shacab ay kula kulmeen meelo kala duwan ka helay xogo badan oo gundhig u ahaa xiisadii dhacday.

Santarka Laascaanood oo ay ugaaska iyo watigiisa ku qaateen watigii ugu badnaa safarkooda waxaa ay kula kulmeen shacab ka mid ah dadka deegaanka, Xog badan oo la xariira Tacadigii ka dhacay deegaanka ayay la wadaageen shacabku Ugaaska iyo masuuliyiinta la socotay.

Qaar kamid ah dadkii Ganacsiga ku lahaa tuulada Laasacaaanood oo dib ugu soo laabtay ayaa la kulmay dhacdo naxdin galisay oo ahayd dukaamadoodii oo faaruq ah oo laga rartay hantidii taalay oo ay oga tageen markii ay barakaceen.

Masuuliyiin ka socotay Maamulada Qabridaharre, Haarcad, Shilaabo, Higlo, iyo Wardheer oo booqasho salaan ah ugu timid halkii ay daganaayeen Ugaaska iyo waftigiisa intii ay joogeen Laasacaanood ayaa loo sheegay inay soo daayaan qof kamid ah sadex ruux oo ay ciidamada Liyuu-boolis dagaalka ka hor ay ka wateen Laasacaanood iyo hantida ka maqan shacabka, waxayna wada jir u aqbaleen hadalka Ugaaska

Waxaana Ugaaska iyo Waftigiisa ay Go’aansadeen in ay xog aruurin sax ay ku soo wada sameeyaan dhamaan tuulooyinka iyo deenaanada laga barakacay, waxaa ay soo wajaheen jihada Tuulada Booraancad oo ahayd halkii xiisadu ay ka bilaabatay qaar kamdi ah waftiga Ugaaska ayaa ku haray halkaas si ay ola kulmaan dad fara ku tiris ah oo nawaaxiga deegaan kaasi joogay.

Bilcille iyo Balanbal-oomane ayaa Ugaaska iyo Waftigiisa ay dib ugu laabteen si ay xog aruurinta ay oga sameeyaan waxana ay kula kulmeen dad tiro yar oo sheegay in markaas ay dib ugu soo laabteen laakiin Burgeesoole waxay ahayd mid cidlo ah kula aanaan arag tuulada iyo deegaan keeda wax shacab ah.

Ugu dambayn Ugaaska iyo waftigiisa oo fiidnimadii xalay dib ugu soo laabtay Degmada Caabudwaaq ayaa dib u dhigay muddo aan la cayimin la kulankii madaxda Dawlada Ethiopia oo ku madlanaa maanta inuu ka dhaco santarka Laasacaanood.

Warbixintii Naftaada Nabada Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.