WAA SU’AAL DA’WEYN OO MADAXA DAALINEYSA) Waxay ila tahay qofkii damiir Soomaalinimo ku jirto wax yar oo wadaniyadihi ku hartay in su’aasha sare ku qoran madaxiisa marar badan ay ku soo dhacayso haddii nala ka waayo maskax wax rogrogta macnaheedu wuxuu noqonayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay dhinteen,waayo maskaxdu waxay la dhimataa jirka intiisa kale waana xubinta u hordhimata oo waatan la dhahaa waa miyir belay xubnihii kale oo weli nuuxnuuxsanaaya.
Waxaan sidaas u iri qarankii Soomaaliya waa sii dhumayaa, Soomaalinimadii waa sii tirtirmaysaa, wadaniyadiina waaba layska dhaafay intaas waxaa ka siidaran Diintii Islaamka ee muqadiska ahayd waxaa loo bedelay xeeleysi, farsameysi iyo qofba in caqiidadiisa iyo muslimnimadiisa u weeciyo in uu maalintaas jeebka wax ku qaato,Diintii sida ay tahay loo raaci jirey waxay mareysaa in ayyadahii iyo axaadiistii ninba Meesha uu doono dantiisa kaliya ku jirto u weeciyo(INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN) culumada ka mid maahi ee haddii aan wax khalday Ebbe baan denbi dhaaf weydiisanayaa.
Akhristayaal is weydiiya su,aalahaan:-
1-Ma idiin muuqaataa in qarnigii 14 naad waa kii Axmed gurey ilaa qarnigii 19 naad waakii sayyid Maxamed iyo daraawiishtiiye,Soomaalidii jirtey ka nuxur wanaagsaneyd tan manta isu qabta in ay ilbaxday oo wax baratay?
2-Bal sidoo kale qaymeeya culumada maanta ilbaxday oo in ay cilmi badan xambaarsanyihiin isu qaba oo mgacyada badan labaxay,sida Al-Islaax,Damujadiid,Al-Shabaab,Daacish,Takfiir ,Shiica, Al-Ixsaan,Suufiya iyo salefiya.
3-Bal qaymeeya ayyadana dhalinyaradii qarnigii 14 naad ilaa midaan manta ee qarnigaan 21 naad.
4-mudadaas 11(kow iyo tobanka qarniya jiilka isbabedelaayey,shacbiga maanta ma moodaa in uu yahay kii u liitey. Bal ila eega dalaaliinta Imaaraadka oo annaga Soomaalidaa iska daaye Aduunka oo dhan ilaa qaramada midoobay noo sheegeen in ay tahay cadawga kaliya ee ku hawlan baabi,inta qaranka Soomaaliyeed,hoos ka daawo kuwa aan damiirka lahayn oo haddana ku dhiiran in ay na soo horistaagan si ay noo marin habaabiyaan si aan ugu dhacno haddaanta Imaaraadfku noo qoday.
1-Waxaan dib u milicsaday markii gumeysigu uu ciidayada cagaha soo dhigay odayaashii ka saxiixay markii aan ku dhahno naga tag in aad naga tageysid,dumar kayaga inaadan guursan iyo haweenkiinu in ayyan ku umulin ciidayada korkeeda oo haddana xaanshi diidey ee maqaar la magdiyey kaga saxiixay.
2-Waxaan dib u milicsaday Suldaankii arkay kuwo Gumeystihii laaluush ka qaadanaaya ee ku yiri(WAR HOOY BERBERA WAX GO, LAGU QAATO KA WEYN).
3-Waxaan dib u milicsaday suldaankii inta oday dhaqameedyada gaalku yeeray, in uu wax ku qasbo damcay u jawaabay,gaalkiina carooday ee yiri (shut up,go and come back tomorrow)oo micnaheedu ahaa aamusa oo kala taga,subaxdiin imaada,Subaxdii danbana isla arintii ku soo celiyey oo yiri maxaad qabateen?Isla Suldaankii baa u jawaabay oo ku yiri(shut up hadal kama denbayn),waa arinta keentay odaydhaqameedyadii waagaas hore iyo kuwa maanta is barbardhiga.
4-Waxaa xusid mudan ee soo qaadis mudan Ugaaskii Gobolka Gedo ee gaalku u yeeray ee la yiri kharashkaan qaado oo geela iyo raga qoladaada soo tiri ee ugu jawaabay (SIR XUSUL KAAGA SOO LEEF)oo uu ula jeedey nina ma karo in uu carabkii xusulka soo taabsiiyo,raga iyo geela soo tirina waa la mid.
3-mudadaas dheer ee aadka u fog dalka, diinata,dadka wixii difaacaayey waxay ahaayeen dhalinyarada xaggee bay manta kaga jiraan in aan horey u socono,sow ayyaga maaha kuwa loo ageedsanaayo inayba wax yare e la haysto baabi,iyaan.
Isku soo wada duudn waxaan idin su,aaley sow dhammaanteen uma ekin ruux maskaxda ka dhintay inta kalana weli naftu ku jirto oo meydkiisa la sugaayo si loo dhaxlo,waxa sugaayaana waa dalalka dariska ah oo doonaaya in wixii caruurteena aanu uga tagi lahayn kuwoodu dhaxlaan.
WABILAAHI OWFIIQ.
Jimcaale.
Leave a Reply