Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoosta Soomaaliya qeybta ka howlgsha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya Howgalka AFRICOM ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay duqeeyay Fadhiisimo ay maleeshiyada argagixsada ah ee Al-shabaab ku lahaayeen, deegaanka Caanoole,oo hoostaga Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose ,halkaasi oo ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, islamarkaana ay ugu qalnaayeen xoolo ay kasoo dhaceen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada gobalka Jubbada Hooose,sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku tababarayeen maleeshiyada Argagxiisada ah dhagar qabayaal ay soo marin habaabiyen , loona diyaarinyay in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed,halkaasi oo ay maleeshiyada khasaaro xoogga ku gaaray.
Waxaa sidoo kale ay Ciidanku duqeeyeen saldhiga Maleeshiyadu ku lahaayeem degmada Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Horjoogayaal sar sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,waxaana lagu bur buriyay saldhigii cadowgu ku lahaa halkaasi.
Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland oo la hadlaya Warbaahinta Qaranka ,ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan horjoogayaashii ku sugnaa halkaasi wakhtiga duqeyntu dhaceysay.
Ciidanka Xoogga ayaa laba jibaaray howlgala dalka looga saarayo maleeshiyada Nabaddiidka ah ee Al-shabaab,si looga dulqaado Bulshada Dhagarta ay usoo maleegayaan.
Leave a Reply