Wafdigaan oo ka socday hay,adada caafimaadka aduunka qeybna ka ahaayeen howladeeno ka tirsan wasarada caafimaadka dowlada federaalka ayaa soo gaaray magaalada beledweyne,
Wafdigaan ayaa waxaa xarunta maamulka ee gobolka hiiraan kusoo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka hiiraan cali muxumad caraalle iyagoo u sheegay in ay beledweyne u yimaadeen in ay eegaan xaalada caafimaad ee gobolka.
wafdiga ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen isbitalka guud ee gobolka hiiraan ee beledweyne iyagoo eegay qalab ahaan dawo ahaan iyo xaalada guud ee isbitalka maadaamaa isbitalka siweyn u saameeyeen fatahaadii wabiga shabelle, gudaha isbitalka ayaa kulan saacado qaatay ku yeesheen wafdiga iyo madaxda caafimaadka ee hirshabelle iyo dhaqaatiirta isbitalka.
Tahliil ibrahim cabdi agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka hirshabelle ayaa ka hadlay ,waxa una shegay in ay soo dhaweynayan wafdigan isalamarakna ay soo tuseen isbitalka guud ee magalada baladweyn iyo sidokale xarunta dagmadda o ay sameeyn ku yesheen fatahaadii wabiga shabelle
Sidoo kale waxaa ka hadlay ibrahim maxamed nuur agaasimaha waaxda shaqaalaha wasarada caafimaadka dowlada federalaka iyo masuliyinta ha”ada cafimadka adunka ee(W.H.O)
Leave a Reply