Madaxweynaha dalka Austria Alexander van Der Bellen ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ay dhawaan u magacaabatay dalkaas Ambassador Ebyan Maxamed Saalax.
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalalka Austria iyo Switzerland Ambassador Ebyan Maxamed Saalax ayaa Madaxweynaha dalkaas uga mahadcelisay sida wanaagsan ee uu u qaabiley.
Dhanka Kale Madaxwaynaha Austria Alexander van Der Bellen ayaa danjiraha cusub ee dalka Soomaaliya Ambassador Ebyan Maxamed Saalax u rajeeyay guul kana shaqeeyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.
Leave a Reply