Deni oo Xabsiga kasii daayey 70 Jiro uu Horay U xirtay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.11 oo ku taariikheysan January 15, 2020 Cafis gaar ah ugu fidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, farqadiisa 11-aad.

Markuu arkay: Qodobka 149-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Markuu arkay: Warqadda sumadeedu tahay XIG/DPS/ /2020, kuna taariikhaysan 14/01/2020, ujeedadeeduna tahay Codsi Cafis Gaar ah Maxaabiis Xukuman, kana soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalayaha Guud ee Dowladda Puntland

Markuu Tixgaliyay: Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda ee xukumanayaasha hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.