Masuliyiin ka tirsan Maamulka jubaland oo Axmed madoobe ka dalbaday inuu xilka ka qaado Mareyaha Dekada

axmedmadoobe

Masuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa Madaxweynne Axmed Madoobe waxaa ay ka dalabadeen inuu ku warejiyo kastamka Dekada Kismaayo iyo dhaqaalaha ka soo xaroodo Dekada.

Agaasimaha maaliyada Jubaland kaamil iyo Hanti dhowrka Maamulkasi Cabdi Casis oo ay isku jifo yihiin Axmed madoobe ayaa wax ay u shegeen hadii shaqadaasi ka warejiyo Mareyaha Dekada, iyagana gacanta loo galiyo in dhaqaalo badan ay dekada ka soo xareyndonan.

Axmed madoobe ayaa ku gacan seyray dalabkaasi madaamo uu yahay Mareyaha Dekada dadka aad ugu dhow qeybna ka soo qaatay dhismaha Maamulka Jubaland waqtigii la aas aasayay.

Ganacsade magaciisa qariyay oo ka mid ganacsatada magalada Kismaayo ayaa sheegay in Agaasime kaamil iyo Hanti dhowre Cabdi Casis ay ku kalsonan karin sida hadda ay wax u rabaan, ayna ku qanacsanyihiinaa maamulkii iyo maareyntii dekada muddo lix sano ah horey oga jiray madaamo dhaqalo badan oo deyn ah uu ka maqan ayahay hadii isbadal la seemyana ay ka baqayaan in dhaqalahodii uu ka lumo.

Maamulka Jubaland ayaa dhaqaalo ka sameeyo Dekada Kismaayo madaamo maamulka Jubaland ay Dowladda Faderaalka ah u diiday aqoonsi, ganacsiga Kismaayo iyo xeryaha qaxootiga Kenya ayaa ku xiran dhaq dhaqaaqa Dekada Kismaayo sida uu u shaqeeyo. Xariir aan la sameynay Mareyaha Dekada Kismaayo Axmed Xaaji ayuu ka gaabsaday arimahani

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.