Muaranka bada Soomaliya iyo dhiibistii Qalbidhagax waa laba arimood oo bar madoow ku ah taariikhda ummada Soomaaliyeed,waa ma hadho aan ka harayn shaqsiyaadkii ka danbeeyey,waa eed ay dadka Soomaaliyeed u haystaan dhagarqabayaal shisheeye u adeegayey dalkana ka hayey xilal sare,kuna astaysan qa,inuwadamiyaal.Soomaalidu waxay dhahdaa ( Falaari gelgilasha kaagama harto).
Intaas ka dib anniga shaqsi ahaan xaqiiqda aan maanta helay dhinaca muranka bada waxba iguma kordhin oo sidii aan wararka ku haystay un bay ii xoojisay,laakiin waxaa ii soo baxday in labada arimood ay ka danbeeyeen koox hadda isku dan ah iskuna magacaabay isbahaysiga mucaaradka,haddaba arintaan oo aan u baahneyn hadal tira badan inta aanan gunaanadin ila dhegeysta wareysi xiisa badan ee weriye la yeeshay Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Marka aad kilibka kore dhegeysateen maxaa idiin baxay? Sow ma cadda in saqsiyaad xilal sare dalka ka hayey mas,uuliyadii ay hayeen ka ganacsadeen si ay hanti uga samaystaan? Sow kuma tilmaami karno indha,adayg in ay xisbiyo noo samaystaan ayyaga oo u hanqaltaagaaya in ay mar kale hoggaanka dalka gacanta ku dhigaan oo wixii u gadmaaya cadawga ka baayacdaan? War helaa talo hela waa arin u taala Ummadda Soomaaliyeed haddii laba jeer godlaga wada qaniinaayo.
Waxaa kale oo kilibka ama wareysigu caddeeyey in dhiibistii Qalbidhagax loola jeeday in lagu mija xaabiyo xukuumada hadda talada haysa,ayyada iyo shacbigana laysaga horkeeno,waxaan aad ugu mahadcelinayaa Xildhibaan Sakariya oo maanta ay ii caddaatay in uu xogogaal ahaa ee ka yiri arintaan sidaan(WAA ARIN AY KA WADA SHAQEEYEEN TALISKA TEGREEDA IYO CANAASIIR GUDAHA AH, UJEEDADUNA AHAYD IN LAGU RIDO XUKUUMADA UU HOGGAAMIYO MAXADAWEYNE FARMAAJO,TEGREEDU WAY FARXEEN OO QALBIDHAGAX BAY NAGA HELEEN,MAR LABAAD KA FARXINMAYNO OO XUKUUMADA IYO FARMAAJO UGU DARI MAYNO). Khaladka ii soo baxay oo madaxdu lahayd wuxuu noqday in ay garanwaayeen ninka noo keena.Dadka qaar baan hadaaqooda ka maqlay in qalbidhagax laftigiisu shirqoolka wax uga jirey,aniguse ma qabo,sidaas awgeed waxaan ku talinayaa in xukuumada hada jirtaa qalbidhagax ha Xaalmariso,Cabdikariin Muusana waxaan dhihi lahaa cadawgii shirqoolka kuu dhigay waxay shirqooleen qaranka Soomaaliyeed oo dhan ama gudaha ha joogo ama dibada ha joogee,ha ka sii qoslin ee dalka iyo dadka tanaasul u samee dawladana la heshii haddii ay diyaar u tahay in ay kuu booga dhaydo.Waxaan sidaas u leeyahay dal iyo dibad cadaw isku xiran oo doonaayey madaxda iyo Cabdikariin Muuse in ay meel ku wada dilaan baa ka shaqeeyey shirqoolkaas,sidaas awgeed dhammaanteen yaana
Wabilaahi towfiiq.
Jimcaale.
Leave a Reply