Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray dagaal xalay saqdii dhex ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabellada dhexe halkaas oo ciidanku ku laayay maleyshiyaad badan iyo horjoogayaal.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxuu la wadagaaya Ummadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku dhaqan in Xalay abbaare 2:00 AM codwoga Alshabaab lagala hortagay dagaal qoreysan oo ay ciidanka u diyaariyeen Cadowga oo warbixin laga helay in uu doonayay weerar in uu ku soo qaado magaalada Xaaji Cali ee Gobal-ka Shabeellada Dhexe.
“Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehantahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ku gaaray.
Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleen lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guduud.
Qaasaaraha soo gaaray cadowga waa 15 dhimasho iyo 26 dhaawac ah.
Ciidanka Xoogga dalku waxaa ka shahiiday 1 sarkaal 1 sarkaal Xigeen iyo 2 askarina dhawac ayaa soo gaaray.
CXDS waxuu had iyo jeer heegan iyo feejignaan ugu jiraa ilaalinta kaaramada shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leexleexad Laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siiyeen si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax banaanida Qaranka.
Leave a Reply