Musharaxii Shiiq Shaakir oo Kabaha Lagu la Tuntay iyo Dorashadii Galmudug oo lasoo gabagabayeey

Waxaa la soo geba-gebeeyey codeynta doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo Labaad ee Baarlamanka maamul Goboleedka Galmudug.

Xilka gudoomiye ku-xigeenka 1-aad waxaa ku tartamay Laba musharax oo kala ahaa , C/llaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim oo uu watay Shiiq shaakir.

Waxaana Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ku guuleystay, C/llaahi Xirsi Maxamed, isagoo helay 59 cod, halka musharaxii Shiiq shaakir Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim uu helay 29 cod, waxaana xumaaday Hal cod.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa u Tartamay Maxamed Shiikh Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Faandhe.

Waxaana ku guuleysatay, Faadumo Cabdi Faandhe oo ahayd Haweeneyda keliya ee ku jirtay musharaxiinta Guddoonka Baarlamanka Maamul Goboleedka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.