Amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka howlaha guud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ay maanta si wadajir ah u wada saxiixdeen heshiis ku kacayo 112 Milyan oo lagu dhisi doono magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe.
Leave a Reply