Waxaa caddaaan ah in su,aasha aan ummadda Sooamaaliyeed u soo jeediyey aan nina caad ka saarneyn in dalku ku jiro dagaal toos oo aan qarsooneyn iyo mid dadbanba,ma cusba oo waa mid qodadheer oo taariikhdii gumeystahu soo caga dhigay giyigeena la fil ah,in aanaan ka soo kaban qorshihii cadawnimo oo waagaa naloo maleegay waa tii shan qaybood nala kugu qaybiyey samankaas ,qayb ka mid ah darbigaas xoogga badnaa ee gumeystayaashii dhiseen waxaan duminey 1960kii markii aan xoreynay Dhulkii waqooyi ee Soomaalida ee Igiriisku haystay iyo kii koofureed ee Talyaanmigu haystay,waxayna ahayd tilaabo Soomaalidu horey u qaaday gumeystihiina ka naxeen,waayo taariikhda kama dhicin laba dal oo laba gumeyste ee kala duwan gacantooda ka baxay oo midoobay, Soomaliya baa u horeysay una denbeysay,caradii ay ka qaadeen waxaa ka dhacay in NFD Keenya la siiyo Soomali galbeedna Itoobiya lagu wareejiyo,waxaana ujeedadu ahayd in dhulka intaas le,eg dadka tiradaas leh oo isir,dhaqan iyo diin wadaaga ay khatar ku noqon karaan dawladihii masiixiga ahaa ee na kala qaybsaday.
Maalintii 1960kii 1dki Luulyo ay dhalatay Jamhuuriyadii Soomaaliya,waxaa nagu socday dagaal dadban ee maskaxeed,waxaana ka dhashay burburkii 1991kii,waxaan anigu shaqsi ahaan hubaa oo aan aaminsanahay,waa la adeejiyey shaqsiyaad Soomaaliya ee dagaal maskaxeedkii nala ku sameyey,madaxooda lagu shubay,lana hogatusaaleeyey in haddii wixii aanu haysanay dumaan ay ayyagu madax noqonayaan,Soomaaliya oo fiicana xukumayaan.(LAAKIIN LA MOOD NOQONSE WEYDEY) oo waxay na dhaxal siisay xabaasha aanu galnay oo aan ka bixi la,nahay,AUN Koloneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed baan afkiisa ka furey asaga o leh(WAXAAN AHAA SHAQSIGII U HOREYEY EE XABAD KALA HORYIMAADA XUKUUMADII SOOMAALIYEED,HADDII AAN SIDAAN U MALEYNAAYO MA DAGAALAMEEN},Waagii Imbegaati la fadhiyey bay ahayd mar la wareystay.
MAANTA MAXAA SOCODA?
Maanta waxaa socda kuwo aan weligood na haweysteen nimcada aan haysano ee Alle nasiiyeyna noo quuri la, arkayna kuwo la adeegsan karona ay nagu jiraan baa dagaal toos ah nagula jira oo aan qarsooneyn dantooduna tahay in ay dhaxalka caruutayada ku wooda ku wareejiyaan.Haddaba siddee wax naga yihiin?ma is weydiinaa su,aalahaan?
1-Aqliga ay ku shaqaynayaan kuwa leh waan goosanay xaggee looga gacan haatinayaa? Waa Imaaradka.
2-Kismaayo,Haddii aan waxaan rabo la yeelin ninba Meesha uu doono ha aado xaggee ka socotaa?waa Imaaraadka.
3-Garoowe wax kasta oo Soomaaliya danteeda ah Maya yaa ka denbeeye?Waa Imaaradka.
4-Dhuusamareed yaa dawlada Soomaaliya kula dagaalamaya oo adeegayaasha u soo dirsaday? Waa Imaaraadka.
5-Dawladaha caalamka iyo QM waxay warbixinadooda ku sheegeen fargelinta Imaraadka ee Soomaaliya ka degi la,dahay,dhaqaale iyo amniba.Miyaanaan lahayn aqli wax garta iyo indho wax arka?
Hadal kayga waxaan ku soo koobayaa dadka Soomaaliyeed ha baraarugeen,hadaayeen qabyaalada loogu soo dhexdhuumanayo oo qaa,inu wadan shisheeye soo dirsaday kula soo dhex dhuumanaayo,si gaar ah waxaan ugu sheegayaa Reer Galmudug maamulkiina waxaa ku dagaalama oo aan qarsooneyn DFS iyo Tan Imaaraadka,dadka u shaqaynaaya ee ilaa Dabeey,Xamar ,Gaalkacyo iyo dhuusamareeb is daba fadhiya oo wada shaqaynaaya oo qabyaalad iyo kharashka imaaradka labadaba Isticmaalaaya,ma qarsoona ee qaranimadiina iyo maamulkiina Difaacada.
Wabilaahi Towfiiq.
Jimcaale.
Leave a Reply