Magaalada London ee Caasumada Dalka Ingiriiska waxaa ka dhacay Munaasabad sagootin loogu sameeyey Gudoomiyaha Jaamacada Ummada Faraceeda Galmudug Mudane Maxmuud Maxamed Dirir oo Mudooyinkii dambe kusugnaa Dalka Ingiriska asagoo kulamo kala duwan la qaatay Bulshada Soomaliyeed ee kunool Magaalooyinka London, Birmingham iyo Leicester.
Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada London gaar ahaan Culumada, Waxgaradka,aqoonyahanada, siyaasyiinta, Haweenka iyo dhaliyarada.
Gudoomiyaha Jaamacada Ummada faraceeda Galmudug ee Degmada Caabudwaaq Maxamuud Dirir ayaa Bulshada London uga warbixiyey Marxaladaha ay soo Martay jaamacada iyo sida Bulshada Soomaliyeed uga faa’idaysteen, waxuuna jaaliyada Soomaliyeed uga Mahadceliyey sida ay uga qayb qaateen hawlaha Is Xilqaan ee kasocda Jaamacada ummada Faraceeda Galmudug ee Degmada Caabudwaaq.
Leave a Reply