Musharaxa Madaxwaynha Jubbaland oo kubaaqay in la joojiyo Colaada Kismaayo kasocota

yusuf

Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa labad beelood ee walaalaha iyo oodwaaguba ah ee ku dagaalamaya duleedka koonfureed ee degmada Kismaayo in aay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka. Waxaan waxgaradka iyo nabadoonada labada beelood ku baraarujineynaa in muranka u dhexeeya ee colaada keenay iyo qasaaraha naf iyo maalba leh ee dagaalka sababey aay si Muslinnimo, Soomaalinimo iyo derisnimo ah wadahadal ku dhameystaan.

Haddii aay jiraan gacmo kale oo dagaalkani hurintiisa si toos ah ama si dadban ugu lug leh sida la tuhmayo waxan ka codsaneynaa in aay fidnada joojiyaan, farahana kala baxaan.

Waxaan ka warqabnaa in maamul shaqeynaya ama sugi kara nabadgelyada shacabka uusan ka jirin Kismaayo. Sidaa awgeed waxgaradka beelaha degaanka la degan labadan beelood ee diriraya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta daminta colaadan, waxaa ku waajib ah in aay isu xilqaamaan sidii loo kala dhexgalilahaa beelaha is dilaya si dhiiga qubanaya loo joojiyo.

Mahadsanidiin.

Yuusuf Ducaale, GMMIJ,
Musharax MMJ2020

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.