Soomaaliyeey Layskuma Jiro waa la kala Baxay

jimcaale

Ummmad kasta oo meel ku nool waxay leedahay cadaw,waana dabeecad dunidu u sameysan tahay in noolaha Ebbe guudkeeda ku abuuray cadaw isku noqdaan,waxaana tusaale kuugu filan in noolaha qaarba qaar kale raashin looga dhigay,waxaa kale ee noolaha isku dira markii wixii ay ku noolaan lahayeen isku mid noqdaan,markaasna waxaa dhex mara tartan iyo loolan aan laysku naxariisan ilaa mid Meesha laga saaro midka kalana u haro hkayraadkii lagu hardamaayey,Sidaas awgeed haddaan nahay Soomaali waxaa Ebbe nagu abuuray Geeska Afrika,oo loo yaqaan dal qaniya iyo dad ka baahan.Aritaas waa tii sababtay in shan meelood naloo qaybiyo oo haddana xuduudo qabiil naloo sameeyo,waxaana looga danlahaa in aan weligeen annagu isku mashquulsanaano,oo qolaba qolo lagu xuuxiyo,waana arinta sababta u noqotay in ay burburto Jamhuuriyadii Soomaaliya ee aan ka xoreynay Ingiriis iyo  Talyaani,waa arin nala ku soo dhaqay oo mudo dheer nala ku soo carbiyey ee noqotay cudur aan daawadiisa garan weyney,oo markasta cadawgayaga oo Meesha aan u nugul nahay ma u jilicsa nahay yaqaan naga soo galo.

Haddaba cadaw toos ah iyo mid dadban labadaba waa leenahay,midka dadban waa kii horey noo kala,geeyey,midka tooska ah oo kuwii hore gadaal ka taagan yihiin waa Imaaraadka,waa duulaan qaawan oo saldhigyo meleteri naga dhex samaystay asaga oo aan wax ogolaasha ah ka haysan dawladayada,isla markaasna haysta laba dekadood oo muhiima waa Berbera iyo Boosaaso iyo Xamar oo qabsashadeeda wax yar ka hareen laga gaarey.haddii aan layska qabana maanta wax aan ka hadalno lama arkeen.

Isku soo wada duub Gobolada Waqooyi iyo kuwa Bari ee Soomaaliya waa maxmiyado laga maamulo Dabeey.waxayna u tafaxaydan tahay qabsashada inta kale ee Soomaaliya,dagaal toos ah bay kula jirtaa dawlada Soomaaliya,waxaa gacan ku siinaayan Dawlada Keenya oo damaceedu yahay in qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya oo khayraad badan ku jiro qaadato.

Haddaba Soomaaliyeey,kooxdii ka qaybgashay caleema saarkii Axmed madoobe waa hawlwadeeno u shaqeeya Imaaradka iyo Keenya,ma qarsoona laakiin waxay ku shaqeysanayaan shaati qabyaaladeed,waxay hawshaan ka wadaan Keenya inta badan,qaarna Babeey baa saldhig u ah waxay dacaayad riqiisa ka sameeyaan kuwa Soomaalida caamiya iyo DFS madaxdeeda,waxaa tusaale noogu filan Danbiile Cabdirashiid Janan ee baxsadkaa inta ay dacaayad ka samaynayaan.

Labo Ciidamada la geeyey Gedo oo xuduud ah oo inta Keenya dhibaato ka geeysatay aan ognahay sida dhirtayadii oo dhuxul loo badelay ,dhac,kufsi , burbur hantiyeed iyo dhulboob ma hambalyo iyo tilaabo horay loo qaadaybaa mise waa arin lagu ceebeeyo DFS haddii ciidamo la geeyey?

Saddex (MEYD MAXAA U DENBEEYEY} Cabdirashiid Janan oo danbiile sharciga ka baxsaday oo gacan ku dhiigle ah dawlada gabaadka iyo abaabulka hubka iyo ciidanka xuduudeeda ugu sameyneysa,haddii ciiddan loo diray ma amaan bay u tahay DFS mise waa ku ceeb,sow ayyadu uma xilsaarna xuduudaha dalka difaaciisa?

Afar,waxay meel kasta oo ay qiyaanada dalka ay ku hayaan ku faafiyeen ku fideeyeen af iyo qoraalba weerar qaawan oo lagu qaaday Gobolka Gedo,xaggee lagu arkay oo lagu maqlay milateri xuduudaha dalkiisa meel ka mid ah tegey oo la yiraahdo weerar qaawan buu geystay,ma ciidan kayaga baa dawlad kale ku duulay?

Waxaa maanta na horyaal haddii aan nahay shacbiga Soomaaliyed DFS ee Soomaaliya ee halganka ugu jirta difaaca xuduudaheena iyo Imaaraadka iyo qaa,inuwadaniyiinta u adeegaya midkii aan garab istaagi lahayn oo aan la shaqayn lahayn, waana la kala baxay oo wax qarsoon ma jiraan.

Wabilaahi towfiiq,

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.