Falanqeyn, asbaabaha keentay in Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, Dowladda Mareeykanka iyo guud ahaan Beesha Caalamka aay aqoonsadan doorashadi Galmudug , middii Jubbaland-na aaysan aqoonsan.
1. Intaan la guda galin geedi-socodka doorasho ee Galmudug, waxa la qabtay shir dib u heshiined oo tabashooyinka lagu dhageysanayay. Jubbaland lama qaban shir dib u heshiisin iyado la ogyahay sanadki 2013ki maamulki kmg ee Jubba inay xilka awood kula wareegeen.
2. Isimadi dhaqanka Galmudug xiligi Cadaado lagu dhisayay oo ka koobneyd 44 isimo , 2 kaliya aya la badalay. Isimada soo xuleen Xildhibaanada Jubbaland ee doortay Axmed Maxamed Islaam, 90% waa kuwo aan aheyn dhaqanki saxda aay lahaayen beelaha Soomaliyeed ee Jubbaland.
3. Musharixiinta u tartameeysay madaxtinimada Galmudug, marki la shaaciyay Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug, weeyso dhaweeyen. Geesta kale musharixiinti u taagneyd madaxtinimada Jubbaland, waa aay gacan seyren liiski Xildhibaanada aay soo saaren guddiga doorashada ee Axmed Maxamed Islaam uu soo magacaabay , taasi oo ka dhigan in process-ka oo idil aaysan aqoonsaneyn.
4. Garab mucaaradka iyo Ahlusunna waa aay ka qeyb-galeen doorashadi Guddoonka Baarlamanka Galmudug. Musharixi lagu tuhmayay inaay garab siinayeen, waxa uu helay 34 cod, taasi oo micnahedu tahay 11 cod in looga adkaaday. Dhinaca kale, garabka isbadal doonka Jubbaland, meeysan ka qeyb galin doorashadi Guddoonka Gollaha Wakiilada Jubbaland.
5. Musharixiinti loolanka kula jiray Madaxweynaha cusub ee Galmudug, sadex kamid ah waa aay u hambalyeeyen (Cabdi Dheere, Kamaal Guutale iyo Cabdullahi Weheliye ). Axmed Madoobe musharixiinti loolanka kula jirtay, laba kamid ah Madaxweyne ayeey isku caleema saareen.
6. Dhinaca dhaq-dhaqaaqa xoriyadda iyo ol-olaha, Dhuusamareeb waa aay ka dimuqradisaneyd Kismaayo. Wariye ama warbaahin lagu colaadiyay afkaartoda ma jirin. Musharixiintana soo dhaweyno goob walbe ah ayeey mariin u haysteen. Halka Kismaayo, dhaq-dhaqaaqa musharixiinta uu xadidnaa, bulshaduna cabsi badan aay dareemayeen. Isku soo wada duubo, hadaan aragtideyda ku gunaanudo, waxa muuqato sababta kaliftay in musharixiinta kale ee Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye tartanka kula jireen aay doorashada uga hareen aay tahay inaay qabeen dareen ah in Xildhibaanada looga galaangal batay, isla markaasina u badnaayen dhalinyaro aaminsan in la helo Madaxweyne yoolkisu uu yahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
W/ Q : Ibrahim Cabdishakur Cali . Political scientist
Leave a Reply