Beesha Xawaadle ayaa waxay shir ku qabsadeen Magaalada muqdisho waxaana ka qayb galay Madaxwaynaha Hirshabeele Maxamed Cabdiwaare, Wasiirka waxbarashada Cabdulaahi Goodax bare, Xildhibaanada labada aqal, waxgarad, haween, dhalinyaro iyo Culama awdiin.
Shirweynahan oo ay beeshu uga tashanaysay aayaheeda iyo mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo kan horumarineed ee kaga aaddan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaay isku raaceen inay ku dulman yihiin waxqaybsiga Dowlada Federaalka ah iyo maamulka Hirshabeele.
Madaxwaynaha Hirshabeele iyo Wasiirka Waxbarashada oo kulankaan ka qayb qalay ayaa kasoo jeeda Beesha Xawaadle lamana garaanayo Jagada kawayn Madaxwayne Maamul goboleed ee ay Gooobayaan Beeshaan xawaadle.
Leave a Reply