Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku riday masuul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horey uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Maxkamada ayaa shan sano oo xabsi ah ku riday Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al Shababa, isla markaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Al shabaab.
Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xarigiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.
Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo agaasimo ka aheyd gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay iyadu ka dambeesay.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayay maxkamada fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Cabdulaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamada ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay.
Maxkamada ayaa shan sano oo xabsi ah ku riday Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu katirsanaa Al Shababa isla markaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Al shabaab.
Masuulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhax xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xarigiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.
Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo agaasimo ka aheyd gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay iyadu ka dambeesay, iyadoo Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ay maxkamada fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo maxkamada ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay.
Leave a Reply