Marka u horeysa waxaan si kal iyo lab ah ugu mahadcelinayaa madaxweyne Farmaajo in uu ku dhaqaaqay tilaabo gesinimo oo horay aan hortiis loo qaadin, markii uu raagelin ka bixiyey wixii dhibaato ka dhashay jabhadihii hubaysnaa ee cadawga dalka Soomaaliyeed soo abaabuley iyo dawladii mileteriga ahayd ee dalka xukumeysay oo runtii wixii ku dhacay dalkayaga iyo dadkayaga ayyan ahayn wax yar ee aad u balaarnaa oo aniga qoraalkaan qorayaa aan ku waayey walaalahay iyo xigtadaydii, taas oo aan u qaatay(CAANA DAATAY DABADOODA BAA LA QABTAA), al ila eega nin waxgarad sheeganaaya haddana qaranka xil u haya baa ku tilmaamay (NIN KALIGII GARNAQSADAY),Meesha garnaqsi mayaalo oo dhawrka iyo tobanka milyan oo Soomaalidii ku nooleyd gudaha Jamhuuriyadii iyo kuwa aan xorta ahayn ee aan deriska nahay dhibaatadaas waa wada gaartay,ninkii yirahaada ha laga garnaqo waa nin aan dooneyn in Soomaaliyi heshiiso oo dib u midowdo welina u shaqaynaaya cadawyyada kala duwan ee shacbiga walaalaha ah ee Soomaaliyeed Nuxurkuna waa (DAWLADA MAANTA TAALADA HAYSAA HA GARAWDU OO HA QOOMAMEYSO OO RALIGELIN HA BIXISO, DADKII KA QAYBQAATAYNA DHAN KASTA HA QOOMAMEEYEEN RAALIGELIN HA BIXIYAAN).Ma gun gaari karno wixii dhacay mid caruurtiisii waayey,mid waalidki waayey,mid walaalihi waayey baan noqoneynaa dhamaanteen,xaalku waa (SONKOR DAADATAY SIDEE LOO GURAA) ,xalku wuxuu ku jiraa aan wada ilowno wixii dhacay oo xalaydhaley ka noqono.
Waxaa farxad mudan in dadka Soomaaliyeed ee meediyaha ka hadlay ama weriyayaashu wax su,aaleen ay si isku mid ah oo dareen wadaniyadeedu ka muuqatay 95% wax kabadan ay soo dawayeen Raaligelintii Madaxweyne Farmaajo meel kasta oo ay joogaan.
Isku soo wada duub(HAL LABA MIDIGLE DHEELMAY DHINACNA UMA FIYOOBA) AMA NIN BAA LAGA SHEEGAY (HADAAN KA DHAWAAQO MASAAJID DHEXDI DAD UMBAA DHIHI WAX BUU DHIMAY) ,kuwa mucaaradka sheegta waxay ku celcelin jireen Dawladu Xuduudaheeda kama waraabto iyo wada hadalada Soomaalilaand waa laga gaabiyey,bal akhristayaal ,maanta waxay dhaliilayaan ,ninkii u sareeyey Soomaalilaand hadaw horfariistay farmaajo madax ma meel ka sareysa oo la taabto miyaa jirta?Haddii ciidamada XDS Jubada/Hoose ilaa Mudug Xuduuda dalka joogaan oo ay maanta ay leeyihiin waa duulaan qaawan miyeysan xishooneyn mise dadka Soomaaliyeed ee jooga qarnigaan 21naad ee ilbaxa ah waxay ka soo qaadeen caamo aan wax graneyn? Su,aalaha jawaabtooda waxaan u daayey akhristayaalka,aan kun soo kobo anigu kuwii walaalahay iyo eheladayda laayey waa cafiyey oo qof ahaan iyo qolo ahaan midna u aaneyn mayo ee Allow dadka Soomaaliyeed (BOGOODA BURCAD ISU MARI) .Aaammin.
Wabilaahi towfiiq,
Jimcaale.
Leave a Reply