Dhawaan bay ahayd markii Madaxwaynaha Maamulka Puntland saciid Cabdulaahi Deni uu isku dayey inuu Siyaasadeeyo Mustaqbalka ardayda Puntland Taas oo keentay ardayda Puntland inay sameeyaan bananbax ka dhana Deni.
Xildhibaanada laga soo doorto Puntland ee kamida Barlamaanka Soomaliya ayaa waxay kulan la qaateen Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyagoo Marka Hore Raali galin ka bixiyey hadalkii Deni ee ahaa inaysan Shahaadada Suuqa Bakaaraha Lagu Gadayo u baahnayn Ardayda Puntland.
Ugu dambayntii Madaxwayne Farmaajo ayaa ogalaaday in ardayda Puntland helaan Shaadada Dugsiga sare ee ay bixiso dowlada Soomaliya.
Leave a Reply