Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa loo madalsan yahay in la soo taago 7 nin oo ku eedaysan Kiiska Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste).
Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.
22-kii Bishaan ayay aheyd in la bilaabo Maxkamadeynta raggaas,hayeeshee Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan, ayaa sheegay in codsi ka yimid qoyska marxuumad Hodan Shanlayste, oo dalbaday in dhageysiga kiiska dib loogu dhigo mudda 4 maalmood ah dib loogu dhigay.
Qoyska ayaa codsigooda ku saleeyay, in uu maqanyahay aabbaha dhalay marxuumad Hodan Axmed Maxamed, sidaas darteedna kiiska dib loogu dhigo, inta uu ka imaanayo Shanlayste, si uu goob joog uga noqdo maxkamadda,waxaana la shaaciyey in shalay uu dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa 22-kii Bishaan u xaqiijiyey Ehelada Hodan Shanleyste in dacwadda la dhegaysan doono maanta Arbacada ah kuna beegan 26-ka bisha February 2020.
Leave a Reply