Guddiga sare bangiga Aduunka ayaa qaaday talaabo ay ku soo celinayaan xiriirkii Bangigu lalahaa Soomaaliya sodon sano kadib, Tani waxay albaabka u furaysa fursadaha Soomaaliya ay u heli karto maalgalinta bangiga aduunka iyo Hey’adda Horumarinta caalamiga ah (IDA ), iyo la shaqeynta si dhow qeybaha kooxaha bangiga aduunka oo soo jeedinaysa maalgashadayaasha dibada taasi oo taageeri doonto deganaanshaha iyo horumarka dalka.
Go’aanka maanta waxa uu si buuxda u so celinayaa howlgalka, Bangiga Aduunka wuxuu iminka Soomaaliya siin karaa taageerada ugu xooggan uguna macquulsan si ay u gaarto horumar dhaqaale iyo bulsho ayuu yiri Madaxa Howlgalka Bangiga Aduunka Axel van Trotsenburg
Leave a Reply