Dowladda Kenya maalmaha soo socda bilaabaysa sidii ay ciidamadeeda ugala bixi lahayd howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sida ay qoreen saxaafada kenya.
Monica Juma Wasiirka Difaaca Kenya ayaa hoggaaminaysa wadahadala oo ay ka qayb galayaan Madaxda Midowga Afrika si ay Ciidankeeda ugala baxdo Howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
Wadahadalka ayaa ujeedadiisu tahay in la soo afjaro ku dhawaad sideed sano oo ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay ku sugnaayeen Soomaaliya, waxaana Kenya filaysaa in uu ka yaraan karo weerarada Dhiiga badan ku daatay ee Al shabaab ka gaysteen Gudaha Kenya iyo weerarada Ciidanka Kenya kala kulmaan dagaalyahanada Hubaysan ee saldhigoodu yahay Soomaaliya.
KDF waxa ay gudaha u soo gashay Soomaaliya Oktoobar 16, 2011. Ujeeddada duulaankii Soomaaliya wuxuu ahaa in la burburiyo Al-Shabaab, korna loo qaado talaabooyinka looga hortago rajada laga qabo weeraro argagixiso oo gudaha Kenya sida ay sheegeen warbaahinta Kenya.
Leave a Reply