Daawo:Muwaadin Soomaaliyeed oo gurigiisii lagu wareejiyey 30 sanno kadib

cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane ; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Sabti ah ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay, Maxamed Shariif Cumar oo Gurigiisa si sharci darro ah looga haystay muddo 30 Sano ah.

Gurigan oo ku yaalla waaxda Jabuuti ee Degmada Kaaran ayaa waxaa si nabad ah ku wareejiyay Dadkii horay u deggenaa,iyagoo ka jawaabaya baaqa Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa inaan la aqbali doonin in Caasimadda gudaheeda Qof hantidiisa sharci darro lagu haysto.

Maxamed Shariif Cumar, oo ahaa mulkiilihii laga haystay Guriga ayaa u mahad celiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kaalintii uu ku lahaa in uu dib u helo hantidiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.