Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan Warbaahinta Qaranka ku guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaalmarino ay ku mudeysteen shaqada ay Qaranka u hayaan, munaasabad galabta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, taas oo ay kasoo qeyb galeen shaqaalaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka.
Wasiir Maareeye ayaa shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada ku boggaadiyay howlkarnimadooda,isagoo kuwa kalane uga mahadceliyay shaqada ay u hayaan Qaranka,wuxuuna sheegay in ay jiraan shaqaale badan oo mudan in la abaalmariyo balse ay kala horreeyaan.
Shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada ayaa waxaa kamid ahaa, agaasimeyaasha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA), mudane Cali C/qaadir Cali iyo Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya, Mudane Yaxye Cali Faarax oo ku mudeystay abaalmarinta, hormarinta Waaxyahooda mudaddii yareed ee ay joogeen iyo dib u dayactir ay ku sameeyeen.
Halkaan hoose ka akhriso magacyada wariyeyaasha la abaalmariyay
CabdiXakiin Cabdi Ismaaciil
Maxamed Xassan C/raxman
Maxamed Maxamuud Fiiddow
Axmed British
Maxamed deeq Cabdi Maxamed
Maxamed Muuse Tarsan
C/raxmaan Wadani
Maa’ido Muxudiin Dhiblaawe
Aamino xuseen maxamed
Cismaan Dhiblaawe
Sugaal Macalin Maxamuud
Leave a Reply