Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa si wada jir ah magaalada Baraawe uga dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda oo loogu magacdaray Allaha Unaxariistee Wasiir Burci Xamza
Dhagax dhiga iskuulkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Mareynta musiibooyinka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdulahi Xaamud Maxamed, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Leave a Reply