Muqdisho:Qof Shiinaha ka yimid oo garab maray Goobta Baarista CoronoVirus

Wasiir

Wasaaradda Cafimadka  XFS ayaa sheegtay in ay   karantiileen muwaadin Soomaaliyeed oo dhinac maray habraaca  lagu hubiyo caafimaadka dadka  ka yimaado wadamada caalamka ee   soo gaaro dalka si looga taxadaro  caafimaadka bulshadda .

Uqeyb-sanaha cafimaadka  ee Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Axmed  oo la hadlay  Radio Muqdisho  ayaa sheegay in muwaadinka oo ka yimid dalka shiinaha uusan marin habraaca hubinta caafimadka dadka   kasoo dagaya garoonka,  sidaasi darteedna Wasaaradu ay  gaysay goob loogu talagalay dadka  oo lagu hubin doono  caafimaadka  qofka dhinac mara  habracaan   muddo 14 cish ah  madama   wadamada caalamka uu ku faafayo caabuqa karoona feyrus   oo dhibaato ku hayo  duniada.

Muwaadinka soomaliyeed oo 9-kii bishaan kasoo baxay dalka shiinaha ayaa soo maray Imaaraadka iyo Itoobiya oo uu taransid kusoo noqday  waxaana markii uu  garoonka Aadan cadde uu soo garay uu diiday   in uu maro habraaca  hubinta caafimaadka ee  wasaaradu u diyaarisay in lagu koontaroolo ka hortaga caabuqa dunida ku faafay ee  karoona 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.