Diidnaye Ogow Dalkayaga Ninkii Doonayow Inuu duudsiyo rabow Anagu diidnaye ogow.
Dowlada kenya ayaa diyaarada dagaal Oo miigag ah kusoo kiciyay Xaduud beenaadka Balad xaawo iyo Mandera aay wadaagaan Kuwaasoo joog hoose ku socda
Kenya iyo siyaasiintooda mucaarid iyo Muxaafid ayaa ka mideysan dulmiga aay ku socdaan halka aay kenya isticmaaleysa siyaasiin Soomaali ah oo gobolka Gedo iyo Gobolada jubooyinka kasoo jeeda Ujeedka ugu weyn ee kenya ayaa ah in guul guul iyo dagaal mashquulin ah oo aay rabta in ciidanka howgalka loogu tala galay ee ku wajahan Jubooyinka iyo Bu’aale la mashquuliyo oo inta dowlada Soomaaliya waqtigeeda ka dhiman hakad la galiya!!!.
Kenya ayaa diidan in ciidan Soomaali ah xaduudka la keena ujeedka ugu weyn ee dowlada kenya ayaa ah badda Soomaaliya inay xoog iyo xeeladba ku maquunisa, hadii aay askar badan ku dhamaan laheyd iyo hadii nabad la weyn lahaaba.
Kenya ayaa daandaansi iyo dagaal wada waxaayna gudaha wadankeeda ku haysaa ciidan Soomaali ah oo iyada go’aamadeeda ku shaqeynaya.
Dowlada Kenya iyo ciidanka la socda ee dhogarta Soomalida ka ah lama dagaalami karaan dowlada Soomaaliya ciidanka aay Balad xaawo geysay oo awood ahaan uma babac dhigi karaan hadii aay keenya Ciidankeeda ugu badan xaduudka keenta xitaa.
Ciidanka Somalia ee xadka ku sugan ayaa lagu qiyaasaya ineey kabadan yihiin 10,000 kun oo askari Kuwaas oo noqonaya ciidan Balad xaawo la keena kuwii ugu badnaa ebed taariikh ahaan xitaa waqtigii dowladii hore ee kacaanka.
Kenya waqtigaan la jooga uma babac dhigi karta Ciidanka Balad xaawo jooga oo dagaal infintiri lama gali karta mana awooda Balse cabsida ugu badan ee shacbka qabaan ayaa ah in duqeyma Diyaaradeed iyo In Qorya waaweyn ku garaacda shacabka magaalada sidi horayba u dhacday.
Dowlada Somalia Maxaa la gudboon, Shacabaka ku dhaqan deegaanka colaada ka socota Maxaa la gudboon?
Dowlada Soomaalia Gaarisa uma socota ina ay xoreysa Manderana ma qabsan rabaan ee xadkooda ayaay joogaan oo aay ilaalinayaan amaankiisa Waana lagu soo xadgudbay oo kenya ayaa daandaansi cad wada iyo Dagaal iyadoo isticmaaleysa shaqsiyaad soomali ah oo danbiya ka galay shacabkooda.
Dowlada waxaa la gudboon in sharafta iyo madax banaanida Soomaliya aysan cidna marti ugu noqon.
Dowlada waxaa la gudboon in aay difaacda oo la dagaalanta cid walba oo kusoo xadgudubta xaduuda badeed iyo mida dhuleedba’ Dowalda waxaa kaloo la gudboon in aay keenta xadka Labada wadan Wax kasta oo hawada Soomaliya lagu difaaci kara sida diyaarada iyo Wax kasta oo ka maqan hada.
Dowlada waa inaay duulaan ku qaadan kenya Balse hadii lagu soo duula aay u diyaar garoobaan inaay difaacaan dhulka Soomaliya taaka walba oo kamid ah.
Shacabka Ku sugan Balad xaawo waxaa la gudboon inaay garab istaagaan dowladooda iyo ciidankooda oo horrorka kenya ee doonaya in badeena iyo barigeenaba qaata laga dgiciya Af iyo adinba.
Shacabka waxaa la gudboon in aay u muujiyaan Ciidanka xadka jooga garab istaag iyo dhiira galin Shacabka waxaa la gudboon ina ay Ciidankooda biya iyo baad kalaba siiyaan oo aay Si buuxda u garab istaagaan hadii dagaal uu dhaca.
GABAGABo
Shacabka Balad xaawo ha noqdeena sida shacabka turkiga oo kale oo dowladooda iyo karaamadooda difaacay.
Waxaa Qoray Cabdullahi Sheekh Cumar
Leave a Reply