Magaalada Garoowe waxaa Shalay ka furmay shirkii uu soo qaban qaabiyey Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.
Shirkaan oo loogu magacdaray Shirka wadatashiga Puntland ayaa waxaa ka qayb galay Madaxwaynayaashii hore ee Puntland, Wafti wasiiro ah oo kasocda dowlada Federaalka ah, Isimida puntland, Waxgarad iyo Marti Sharaf Kale.
Shirkaan waxaa ka maqnàa oo aan ka qayb galay qaar kamida Garaadyada Sool iyo sanaag waxaana kamida Garaadyada aan ka qayb galay shirka Garoowe.
Garaad Jaamac Garaad Cali Garaadka Guud ee dhulbahante
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
Garaad Cabdirizaq Garaad Soofe Duraan
Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale
Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare iyo
ugaas Faarax.
Garaadyadaan ka maqan Shirka Garoowe ayaa waxuu dhabar Jab ku yahay Madaxwaynaha Puntland oo qaban qaabiyey Shirka Garoowe.
Leave a Reply