Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgalaya Gobalka Shabeelaha Hoose ay kaabiga ku haayaan Deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose oo Argagaxisada Al-Shabaab saldhigyo waawayn ku leh.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku wajahan deegaanka Janaale ayaa inoo xaqiijiyey in qorshaha Ciidanka Xooggu uu yahay sidii Deegaankaasi gacanta Dowlada u soo gali lahaa.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidanka xoogga dalka uu dhowr jiho qorshuhu yahay sidii gudaha ay ug ugali lahaayeen Janaale oo Argagaxisaduna loo baabi’in lahaa.
Jen. C/xamiid oo ah taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiil kale ayaa waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Buufow ee gobalka Shabellaha hoose, iyagoo dhankooda ku wajahan deegaanaka Janaale.
Leave a Reply