War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Putland iyo Dastuurka Faderalka Soomaaliya Shirka Wadatashiga Putland iyo Dastuurka Faderalka Soomaaliya
Waxaan akhriyey war-murtiyeedka kasoo baxay Shirka wadatashiga Putland. Caadiyan ma jiraan wax diidayo in Dadka ay ka tashtaan arimahooda, waxaana awoodaas siinayo Dastuurka lakiin Natiijada kasoo baxdo Shirarka waa mid la dhihi karo waxay khilaafsantahay ama la jaanqaadaysaa Dastuurka Dalka.
Marka hore waxaan bogaadinayaa arimaha Horumarka, Amniga, Dimuqoraadiyadda, dib u eegista Saamiga Siyaasadda Putland oo uu shirka ka hadlay lkn waxaan rabaa inaan faalleeyo Saddex Qodob:
1. Arimaha la xariira heer Faderal sida Dib-u eegista Dastuurka, Doorashada Dalka, waxay ka wada dhaxeeyaan Dowlad-gobaleedyada oo dhan iyo DFS, waxaana ku matalo Dowlad-gobaleedyada Aqalka sare, hal Dowlad-gobaledd go’aan kama gaari karto. Qodobada ku saabsan war-murtiyeedkaana waxay ka hor imaanayaan Q. 50-aad ee DFS oo qeexaya Mabaadi’da Faderalka Soomaaliya.
2. Arimaha la xariira Diididda Xeer heer Faderal ah sida Xeerka Doorashada, ee soo maray hab raaca sharciga waxay ka hor imaanaysaa Qodobada 80-86 oo sheegayo habraaca Xeer heer Faderal ah loo maro iyo Duristiisa iyo sidoo kale Q. 51-aad/4 ee shegayso in : Awood Dastuurka uusan bixin aysan cidna sheegan karin.
3. Ka hadalka Arimaha Dowlad-gobaleedyada kale sida arinta Jubbaland, Koonfur-galbeed, Galmudug waxay si toos ah uga hor imaanaysaa Q. 50-aad/2 oo sheegayso in Dowlad-gobaleed kasta ay ixtiraamto Awoodaheeda iyo Awoodaha Dowlad-gobaleedyada kale. Mana ogolo Dastuurka in Dowlad-gobaleed ay arimaha mid kale faragaliso.
” Waajibaadkaaga waxuu ku dhamaadaa Xuquuqda Dadka kale”.
Leave a Reply