Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay shirkii wada tashiga Garowe ayaa si rasmiya u cadeeyey mowqifkooda ku aadan war murtiyeedkii kasoo baxay shirkaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay diidan yihiin qodoba kamid ah war murtiyeedka shirkii Garowe oo eedaymo culus loogu jeediyay madaxda dowladda federaalka islamarkaana ay ka xun yihiin ereyo aflagaado ku ahaa dowlad goboleedyada kale oo aan kamid ahayn waxii looga dooday Shirka Garoowe.
Hadalkaan kaoo Yeeray wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeday Puntland ee ka qayb galay Shirkii Garoowe ayaa waxuu Fashil iyo ceeb ku yahay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.
Leave a Reply