Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula kulmay Xarunta Madaxtooyada Galmudug Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliyeed oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Xildhibaanadaan Kulanka la qaatay Madaxwaynaha Galmudug ayaa kala ah Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye waxayna kala hadleen Madaxwaynaha Galmudug doorashada Soo socoto ee lagu dooranayo Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaanadaan ayaa waxay ka Codsadeen Madaxwayne Qoorqoor sidii ay mar kale uga Mid noqon lahaayeen Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Galmudug.
Dhanka kale xildhibaanadaan ayaa Madaxwaynaha Galmudug ka codsaday in dib Heshiisiin loo qabto Bulshada Galmudug.
Leave a Reply