Madaxwayne, Mustafe Muxumad Cumar, oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta Deegaanka, ayaa sheegay in ayna shacabka Deegaanka ka muuqanin taxadarkii loo baahnaa, marka la eego halista uu leeyahay Cabuuqa COVID-19, Madaxwaynaha ayaana mar kale shacabka ku booriyay, inay shacabku si buuxda u raacaan awaamirta Caafimaad ee ka soo baxay Deegaanka iyo faderaalka.
Madaxwaynaha ayaa sheegay, inay xukuumada Deegaanku qaaday talaabooyin dhawr ah oo caabuqan COVID-19, laga hortagayo” waxaan xoojinay wacyigalinta la xidhiidha ka hortagida caabuqan, anakoo xarumu u diyaarinay dadka lagu dabiibo hadii xanuunkani cid deegaanka ah asiibo, waxaan xidhnay dhamaan xuduudaha deegaanka isla mar ahaantaasna an hakinay wixii isu-socod ah ee deegaanada dariska ah nagaga imanaya” ayuu yidhi madaxwayne, Mustafe Muxumad Cumar.
Leave a Reply