Dowlada Soomaaliya oo shaacisay qofkii ugu Horeeyey oo udhinta Coronaha iyo Dad kale oo laga helay

Wasiir

Wasiirka caafimaadka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in qof ka mid ah dadkii laga helay cudurka covid19 uu geeriyooday galabta.

War saxaafadeed kasoo Baxay wasaarada Caafimaadka ayaa Saan u qornaa.

  1. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan:
  2. Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)
  3. Waxay Wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12
  4. Afarta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda
  5. Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Soomaali 58 jir ah, kaas oo noqnaya dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa
  6. Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda.
  7. Wasaaraddu waxay ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub
  8. Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan, kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda.
  9. Fadlan nagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.