Soomaaliya oo shaacisay in la helay 9 kiis oo cusub oo la xiriirta COVID-19

Wasiir

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa lagu sheegay in lahelay kiisas cusub oo leh, kuwaasi oo ku saabsan cudurka safmarka ah ee COVID-19

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka

  • Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.
  • 6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay
  • Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)
  • Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan
  • Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa bulshada dhexdeeda
  • Waxa aad u haboon in qof walba oo inaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.