Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Hirshabeelle ayaa xiray xuduuda uu Gobolka Hiiraan la wadaago itoobiya kaasi oo mudooyinkaan si xowli ah qaad ugu soo gudbi jiray si sharci daro ah.
Waxaana sidoo kale maanta Ciidamada ay howlgallo lagula dagaalamayo qaadka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Baladweyne iyadoo ganacsatada keenta iyo kuwa uga ganacsado gudaha Magaalada lagu war geliyay in ay xarig iyo lacag ganaax ah mutaysan doonaan cidii jabisa amaradda laga soo saaray.
Howgalkaan lagu xray Xuduuda Hiiraan la wadaago Itoobiya ayaa waxaa Hogaaminaayey Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka iyo saraakiisha ciidamada NISA iyi kuwa Xooga dalka Soomaliyeed.
Leave a Reply