
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxmaed Warsame Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland ayaa Telafishinka Dowlad Goboleedka Jubbaland u sheegay in labo ruux oo laga helay COVID-19 hadda lagu karantiilay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo.
Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee kusugan meel kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland.
Leave a Reply