Daawo:Ceel biyood ku shaqeeya Cadceeda oo laga hirgeliyay Laasa Cadale ee gobolka Mudug

ceelbiyo

Deegaanka Laasa Cadale, oo qiyaastii 20km dhanka bari kaga toosan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa laga hirgeliyay ceel biyoodkii ugu horeeyay, xilli dadka deegaanka ka cabanayeen biyo yari.

Ceel biyoodka ayaa leh matoor biyaha ka soo saara ceelka, kaas oo danabka uu ku shaqeeyo ka heleya ileyska cadceeda, oo soolaro waa weyn lagu xiriiriyay.

Hey’adda General Service Agency oo loo soo gaabiyo G.S.A ayaa fuliyay mashruuca ceelkan, C/laahi Cumar Kaahiye, oo kamid ah mas’uuliyiinta hey’adda ayaa warbaahinta u sheegay in fulinta mashruucan hey’adda G.S.A la kaashatay hey’adda UNOCHA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.