Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Gaarey Wafdi ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (Ethiopia) oo iskugu jira Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Doolo, Hogaanka Nabadgalyada Gobolka Doollo, Gudoomiyaha Galaadi iyo saraakiil Milatari oo kasocda Dawladda Faderaalka Itoobiya (Ethiopia).
Waftigaan ayaa waxay wateen Gadiid dagaal oo aad u tiro badan waxaana waheliyey Ciidamada Lugta Qaybahooda kala Duwan
Duleedka Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku soodhaweeyey Wasiiro katirsan Galmudug, Xildhibaano, Maamulka Degmada Cadaado, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiil katirsan Ciidamada kala duwan ee dawladda Soomaaliya.
U jeedka safarka Wafdigaan ayaa ah dhamaystirka wadahadaladii ka socday Xadka ee looga hadlayay Xiisadihii ka jiray deegaanada ay wadaagaan labada Maamul.
Leave a Reply