Daawo:39 Haween Soomali ah oo Nairobi lagu Xiray kadib Markii ay Jabiyeen Bandowgii Coronaha

aroskenya

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xalay Xabsiga loo Taxaabay Haween Tiro badan oo Soomali ah kadib markii ay jabiyeen Bandowgii Coronaha.

Haweenkaan ayaa waxay ka horyimadeen talooyinkii Cafimaadka ee ahaa in lakala Fogaado oo aan wax kulamo ah aan la qaban, balse badalkeeda waxay ka qayb galeen xaflad Aroos waxayna Qatar Galiyeen Naftooda iyo Bulshada ay ku dhexnoolaayeen.

Ciidamada Amniga Kenya ayaa xalay waxay wadada Labaad ka qabteen Haweenkaan Soomalida ah waxaana loo Taxaabay xabsi.

Arinkaan ayaa waxuu meel ka dhac ku yahay Bulshada Soomaliyeed ee Kenya ku nool gaar ahaan haweenka Soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.