Dagaal ka dhacay Baladxaawo iyo weera lagu qaaday xarunta Maamulka

Baladxaawo

Wararka ka naga soo gaaray Degmada Baladxaawo ayaa sheegaya dagaal waqti yar socday inuu ka dhacay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Weerarkaan ayaa waxaa soo qaaday ayaa layiri Ciidamo daacad u ah Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan oo kusugan duleedka Mandera Kenya.

Ciidamada kala duwan ee kusugan degmada Baladxaawo ayaa weerarkaas ka hortagay oo fashiliyey.

Dhanka kale saaka Subaxii hore ayaa weerar lagu soo qaaday Xarunta Maamulka Degmada Baladxaawo sida ay warka nagu soo garayaan, Gudoomiyaha Degmada Baladxawo waa ka maqnaa marka werarka dhacaayey waxuuna safar ugu maqnaa Degmada doolow ee Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.