Waxaan akhriyey labo mooshin oo isdaba socota oo laga keenay Madaxwayne Mohammed Abdi Ware iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshaballe oo waqtigooda gaba-gabadayahay.
Sannadkii 2017 ayaan ku qoray mareegta SomaliTimes.net murun sharciyeed ka jiray Hirshabeelle oo uu Madaxwaynihii ku baxay ugu danbayn sidii aan u saadaaliyey.
Dastuurka Hirshabeelle Q.34 aad, faqradiisa 1-aad, Xarfaha ” C,D” iyo Qodobada 52-aad, 53-aad ee Dastuurka lala akhriyey Qodobada 43-aad,33-aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlayo Mooshin laga keeno Madaxwaynaha. Sidoo kale Q.12-aad ee Xeerhoosaadka Baarlamaanka ayaa qeexayo asna Mooshinka Guddoonka Baarlamaanka iyo habraaciisa.
Tusaale faqrada 2-aad ee Qodobka 12-aad Xeer-hoosaadka Baarlamanka hirshabeelle waxay leedaahay; Mooshinka waa in ku salaysnaadaa sharci. taas oo ah in sax ahaanshaha Eedaha loo soo jeediyey Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha ay cadayso Maxkamad awood u leh.
Q.109 faqradiisa 1-aad, xarafka ” D” ee Dastuurka Faderalka ayaa tilmaamayo Maxkamadda awoodda u leh murunada Dastuureed ee Dowlad-gobaleedka dhexdooda ka jiro, waana Maxkamadda Dastuuriga ah.
Sidoo kale Xeer Ln 23 oo lagu dhisay Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sidaas cadaynayo, gaar ahaan Qodobada.21-aad, 17aad.
Waxaa intaasi dheer Qodobka 121-aad, DFS ee sheegayo in Mabaad’ida Dastuurka Faderalka aysan daba mari karin Dowlad-gobaleedyada. Sidaas Darteed Mooshinka Madaxda Dowlad-gobaleedka waxaa loo marayaa habraaca Mooshinka Madaxda Faderalka.
Maqnaanshaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee awoodda u lahayd fiirinta Sax ahaanshaha Mooshinka ayaa keentay fiaaq sharci, siaas darteed waxaa sharci ah oo la raacayaa Go’aanka Baarlamaanka Faderalka ah ee ah in aan la qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxwaynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka ilaa Maxkamad Dastuuri ah laga dhisayo.
Khilaafka Hirshabeellee waa in lagu xaliyaa wada hadal iyo saaxiibtinimo, lagana wada shaqeeyo Doorashada iyo wax ka qabadka Fatahaadaha iyo Cudurada faafo.
W/Q: Avv. Cali Sheikh Aadan Yusuf
“ Cali Somali”.Calisomali400@gmail.com
Leave a Reply